
Caawimaadda iyo taageerada dib ugu noqoshada dalka hooyo
Dib u noqoshada ikjtiyaariga ah
Waaxda socdaalka iyo ururka qaabilsan arrimaha dadka muhaajiriinta ah ee IOM ayaa waxay caawinayaan dadka si ikhtiyaari ah ugu noqonaaya dalkoodii hooyo. Waxyaabaha laga caawinaayo qofka waxaa ka mid ah, qabanqaabinta safarka, raadinta tigidhada iyo dukumintigii safarka. Waxaad kaloo heli kartaa caawimaad lacageed ama caawimaad dhanka adeegyada ah oo lugugu siin doono dalkaaga hooyo.
La soo xiriir
Sheeg xaaladdaada annaga ayaa ku caawinayna. Mana jiraan wax waajibaad ah oo ka dhalanaaya la soo xiriirista.

Waxaad soo diri kartaa farriin dhanka Whatsapp-ka ah ama waad na soo wici kartaa:
Caawimaadda dib u noqoshada

Cadadka lacagta taageerada ah ee Waaxda socdaalka ay bixiso waa mid kala duwan, waxaana ay ku xiran tahay hadba nooca caawimaaddu ay tahay iyo xaaladda dalka bid loogu noqonaayo. Caawimaadda dhaqaale ee kaashka ama caddaanka ah waxaa ay ku xiran tahay hadba dalka lagu noqonaayo, waxaana ay u dhexeysaa 200 – 1500 yuuro , sidoo kale caawimaadda waxtarka kale ee aan lacagta ahayan (hyödyketuki) waxaa ay u dhexeysaa 3000 – 5000 yuuro. Waxaad eegtaa cadadka taageerada ee dalka dib loogu noqonaayo»
Caawimaadda waxtarka kale ee aan lacagta ahayn (hyödyketuki), waxaa ay noqon kartaa taageero dhanka degaanka ama guriga ah, waxbarasho ama helitaanka shaqo, amaba waxaa ay noqon kartaa asaasidda shirkad ganacsi.
Halkaan ka eeg si faahfaahsan noocyada caawimaadda Katso tarkemmin tuen vaihtoehdot »
Sidan soo socota ayay hawsha iskaa u noqoshadu u dhacaysaa

La soo xiriiridda
Waxaad kula soo xiriiri kartaa Whatsap-ka ama waad soo wici kartaa.
Annaga ayaa ku caawinayna, iyadoo caawimaadduna ay tahay mid ku salaysan hadba baahidaadu inta ay le’eg tahay.

Falanqaynta
La soo xiriirista aad nala soo xiriirtay kaddib, waxaan kuu qabanaynaa ballan, kaasoo aan kaga wadahadlayno xaaladdaada nololeed, iyo nooca caawimaadda ee adiga kugu habboon. Waxaan kaa caawinaynaa samaynta codsiga, kaddibna waxaan gaaraynaa go’aanka arrinkaaga ku saabsan.

Dib ugu noqoshada dalka hooyo
Dalkaan Finland gudihiisa hay’adda IOM ayaa waxaa ay bixinaysaa adeeg ah talosiin, waxaa ay kuu qabanaysaa safarkii dalkaaga hooyo, sidoo kale waxaa ay kaa caawinaysaa sidii aad ku heli lahayd dukumintigii safarka. Caawimaadda dib u noqoshada waxaa lagugu siinayaa dalkaaga hooyo.
Su’aalaha guud ee la isweydiiyo
Sidee ayaan u dalbanayaa caawimaadda?
Waxaad farriin ku soo dirtaa Whatsapp-ka ama waxaad soo wici kartaa telefoonka: 050 413 8625. Xaaladdaada ayaan ka wadahadlaynaa waxaanan kula buuxinynaa codsigaaga, annagoo hubinayna in shuruudaha iskaa u noqoshada ay dhammaystiran yihiin. Dadka magangelyoddoonka qaxootiga ah waxaa ay caawimaadda dib u noqoshada ka codsadaan xerada qaxootiga ee qofka macmiilka ah uu ka diiwaangashan yahay.
Muddo intee le’eg ayay qaadataa qabanqaabinta dib u noqoshada?
Muddada ay qaadanayso qabanqaabinta dib u noqoshada waxaa ay ku xiran tahay dalka dib loogu laabanaayo iyo dukumintiyada halkaas laga doonaayo. Haddii aad haysato dhammaanba dukumintiyada loo baahan yahay, qabanqaabinta dib u noqoshada waxaa ay qaadanaysaa ugu yaraan laba toddobaad. Haddii dukumintiyada loo baahan yahay iyo hawlaha caddaynta la iska rabo ee dib u noqoshada darteed ay yihiin kuwo badan, qabanqaabinta safarka waxaa dhici karta in ay qaadato dhowr bilood.
Maxaa ay caawimaadda dib u noqoshada ka kooban tahay?
Caawimaadda dib u noqoshada waxaa ay ka kooban tahay kharashka safarka ku baxaaya, qabanqaabada safarka iyo taageero la isku siinaayo caawimaadda la xiriirta dib laqabsiga dalka, waxaana caawimaddaas ay noqon kartaa mid qof loo siinaayo si kaash ama caddaan ah, ama caawimaadda waxtarka kale ee aan lacagta ahayn (hyödyketuki).
Maxaa ay ka kooban tahay caawimaadda lacagta ah ee dib u noqoshada loogu talaggalay?
Caawimaddaas waxaa loo bixin karaa kaash ama caddaan ahaan, ama caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta ahayn (hyödyketuki).
Caawimaadda kaashka ama caddaanka ah waxaa loola jeedaa lacag kaash ah, taasoo 200 oo yuuro oo ka mid ah lagu siinayo qofka inta uu Finland joogo, inta soo hartayna waxaa lagu siinayaa dalkiisa hooyo.
Caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta ahayn (hyödyketuki), waxaa ay noqon kartaa qalab ama adeegyo kale. Waxaad caawimaaddas loo isticmaali kartaa tusaale ahaan guri in loo raadsho ama ijaarka laga bixiyo, waxbarasho in la geeyo, in loo raadsho adeegyada daryeelka caafimaadka, shaqo in la geeyo ama in uu asaasto shirkad yar oo isaga u gaar ah.
Yaa qabanqaabinaya dib u noqoshada?
Dib u noqoshada iyo dhammaanba wixii la xiriira caawimaadda waxaa qabanqaabinaaya Waaxda socdaalka (Migri) ama xerada qaxootiga iyo hay’adda qaabilsan arrimaha muhaajirinta ee IOM. Hay’adaha kale ee heer dowladeed, sida kuwa dalkaaga hooyo ka jira kama qayb qaadanayaan qabanqaabnita arrinkaan.
Caawimaad intee le’eg ayaan helayaa?
Caawimaddaas waa mid lagu qeexay sharciga dalkaan Finland. Cadadka caawimaadda waa mid isebedbeddalaaya, kaasoo ku salaysan qaabka caawimaadda iyo hadba xaaladda dalka dib loogu noqonaayo. Caawimaadda kaashka ah waa mid ku xiran hadba dalka dib loogu noqonaayo, waxaana ay u dhexeysaa 200-1500 oo yuuro, caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta ahayn waxaa ay u dhexeysaa 3000-5000 oo yuuro. Faahfaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan cadadka caawimaaddaas ay le’eg tahay, waxaad ka heleysaa bogga internetka ee cinwaankiisu yahay: Kaalmada ama deeqda dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waddamada aay khuseeyso – Maahanmuuttovirasto (migri.fi)
Yaa heli kara caawimaadda dib u noqoshada?
Shardiga ku xiran helitaanka caawimaadda waa in qofku uu si joogto ah dib ugu noqonaayo dalkiisii hooyo, islamarkaana uu caawimaadda u baahan yahay. Dib u noqoshada joogtada ah waxaa loola jeedaa, in aad iska kansasho ama baajiso codsiga magangalyada qaxootiga ee kuu maqan, sidoo kale inaad kansasho codsiyada iyo racfaannada kale ee ku saabsan arrimaha sharciga degganaanshaha dalka. Caawimaadda waxaad heleysaa oo kaliya, haddii aadan awoodin in aad iska bixiso kharashka ka dhalanaaya safarka. Caawimaadda dib u noqoshada ma ahan mid la heli karo marar badan, sidaas awgeed haddii aad hore u heshay caawimaadda dib u noqoshada ee aad Yurub ka tagaysay oo dib u laabanayasay, mar labaad laguma siinaayo.
Ma yahay arrin aan ku kalasoonaan karo, in aan helaayo caawimaadda lacag ahaanta ah ee dib u noqoshada, markii aan dib ugu laabto dalkayga hooyo?
Haa waad ku kalsoonaan kartaa arrinkaas. Caawimaadda waxaa qabanqaabinaaya oo kaliya hay’adda la aamini karo oo dalkaaga hooyo joogta, islamarkaana si wanaagsan arrinkeeda loo hubiyay. Tusaale ahaan hawlwadeennada dalkaaga hooyo faraha lama soo galayaan qabanqaabinta caawimaadda waxtarka kale ee aan lacagta ahayn (hyödyjetuki). Waaxda socdaalka iyo hay’adda IOM ayaa la soconaysa bixinta caawimaaddaas ee dalkaaga hooyo, waxaadna la soo xiriiri kartaa waaxda socdaalka ama hay’adda IOM, xittaa marka aad dib ugu laabato dalkaagii hooyo.

La soo xiriir

Waxaad soo diri kartaa farriin dhanka Whatsapp-ka ah ama waad na soo wici kartaa: