
Nala soo xiriir, waxaan kaa caawinaynaa samaynta codsiga
Wax walba waxaa ay ka bilaabanaysaa la soo xiriirista
Waaxda socdaalka (Migri) ayaa talo ku siinaysa codsiga kahor, waxaana ay kaa caawinayaan codsi samaynta. La soo xiriir, haddii aad doorbidayso dib u noqoshada. Xaaladdaada ayaan si wadajir ah isula eegeynaa, waxaanan ku siinaynaa hagista ku saabsan codsi samaynta, sidoo kale waxaan kuu sheegeynaa fursadahaaga kala doorasho. Haddii aad doonaysana, codsiga si wadajir ah ayaan kuula buuxinaynaa.
Haddii aad tahay macmiil ka tirsan xerada qaxootiga, waxaad la xiriirtaa xeradaada qaxootiga, haddii aad doonayso in aad si ikhtiyaari dalkaagii ugu noqoto.
Qaybta 1-aad
La soo xiriir

Sheeg xaaladdaada annaga ayaa ku caawinayna. Ma jiraan wax waajibaad ah oo ka dhalanaaya la soo xiriirista
Waxaad soo diri kartaa farriinka dhanka Whatsapp-ka ah ama waad na soo wici kartaa:
Waxaad sidoo kale ku soo diri kartaa iimeylka:
Qaybta 2-aad
Falanqeynta codsiga

Waaxda socdaalka ayaa falanqeyneysa codsigaaga. Go’aankaas waxaa si guud ahaan ah tixgelinta loo siin doonaa xaaladdaada nololeed. Sidoo kale waxyaabaha tixgelinta la siin doono waxaa ka mid ah xaaladdaada caafimaad iyo tan qoyskaaga.
Taageerada laqabsiga labaad ee dalka waxaa ay Waaxda socdaalku ku bixisaa lacag caddaan ama kaash ah (käteisenä) ama caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta aheyn (hyödyketukena). Caawimaadda waxtarka kale ee aan lacagta aheyn waxay noqon kartaa, taageerada ku saabsan guri, waxbarasho ama shaqo, amaba tusaale ahaan asaasid ganacsi.
Waaxda socdaalka ayaa waxaa ay booliska ka soo hubsanaysaa in dib u noqoshada ikhtiyaarka ah ay suurtaggal tahay iyo inkale. Kahor inta aan la gaarin go’aanka caawimaadda ah, waa in aad iska baajisaa ama kansashaa sharcigaaga degganaanshaha, codsigaagii sharciga degganaanshaha iyo racfaankiiba.
Marka go’aanku uu diyaar noqdo, Waaxda socdaalka ayaa go’aankaas u direysa ururka IOM, waxaana uu ururku bilaabayaa abaabulkii dib u laabashada.
Qaybta 3-aad
Dib ugu noqoshada dalkaaga

Ururka IOM ayaa ku siinaya talooyinka ku saabsan dib u noqoshada oo ku qoran luqado kala duwan, waxaana ay kuu qabanayaan ballanka safarka aad ku aadi lahayd dalkaaga hooyo. Haddii aadan baasaboor lahayn, waxaa lagaa caawinayaa sidii aad dukumintiga lagu safro uga heli lahayd safaaradda dalkaaga. Haddii ay jiraan dhibaatooyin caafimaad oo adiga ku heysta, tixgelin ayaa la siin doonaa marka la qabanqaabinayo dib u noqoshada.
Waxaa Finland gudaheeda laguugu diyaarin doonaa:
- Dukumintigii safarka iyo tigidkiiba
- Wixii dukuminti ah oo ay kaa hayeen howlwadeennada Finland
- Haddii laguu oggolaaday caawimaadda dhaqaale ee lacagta caddaanka ama kaashka ah iyo waxtarka kale ee aan lacagta aheyn, waxaa qofka weyn la siinayaa lacag caddaan ama kaash ah oo dhan 200€ iyo ilmaha yar oo ah 100€
- Macluumaadka ku saabsan halka aad kala xiriiri karto, cidda ku siineysa caawimaadda dib u noqoshada ee markaad tagto dalkaaga hooyo.
Si kasta oo ay tahay nooca caawimaadda, marka aad dib ugu laabato dalkaaga, waxaad la xiriirtaa xafiiska hay’adda IOM. Haddii aad dooratay caawimaadda kaashka ama lacagta caddaanka ah, hay’ada IOM ayaa dalkaaga gudihiisa kugu siin doonta intii ka hartay ee caawimaadda dib u laabashada. Haddii aad dooratay caawimaadda waxtarka kale ee aan lacagta aheyn (hyödyketuki), adiga iyo hay’adda IOM ayaa si wadajir ah u samayn doona qorshaha ku saabsan isticmaalka caawimaadda.
Ururka IOM ayaa ku caawinaaya inta aad joogto garoomada diyaaradaha ee kala duwan, waxaana ay kaa caawin doonaan wixii safarkaaga ku saabsan illaa iyo inta aad ka gaareyso magaalada dalkaaga hooyo ee aad deggan tahay.
