Published 12.02.2020

Iskuxirayaasha – Doorka Qurbajoogta Ee Horumarka Soomaaliya Iyo Geeska Afrika

Tusaalayaasha waxqabadka ee loogu talagaly wakiillada qurbajoogta iyo qolooyinka la shaqeeya

Deyrti 2019 ayaa waxaa la hirgeliyay Mashruuca hasami-socodka wadahadalka, kaas oo hadafkiisu ahaa in la dhegeysto aragtiyada ay qurbajoogtu ka qabaan fursadaha ay uga qaybqaadan karaan dib u dhiska dalka ay ka soo jeedaan iyo horumarinta nabadda. Qayb kamid ah mashruuca ayaa waxaa laga qoray daabacaadda halkan ku lifaaqan, taas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay soo bandhigidda su’aalaha wax ku oolka ah iyo tusaalooyin waxqabad si uu ugu gogolxaaro shabakadaha qurbajoogta ee xiisaynaya horumarka dalka ay ka soo jeedaan iyo dadka ka midka ah qurbajoogta iyo weliba ururada la shaqeeya, jimciyadaha, saraakiisha dowladda iyo dhinacyada kale ee xiisaynaya.  Daabacaadda halkan ku lifaaqan waa gunaanadka gungaar ballaaran, kaas oo laga heli karo isagoo ku qoran luqada Finnishka bogagga shabakadda ee Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ee Finland. Gunaanadka waxaa lagu turjumay luqadaha kala ah Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Soomaali, Carabi, Dari iyo Kurdi.

Mashruuca Habsami-socodka wadahadalka isudduwaysay Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ee Finland. Mashruuca waxaa ka wadashaqeynayay Ururka dalladda ururada horumarinta Finland Fingo iyo Muasasada Warbaahinta iyo Horumarinta(Vikes). Habsami-socodka wadahadalku wuxuu ka koobanyahay marka daabacaaddan laga reebo afar madal oo wadahadal ah, kuwaas oo quseeyay qurbajoogta Soomaalida, Afghanistaan, Ciraaq iyo Siiriyaanka (oo Kurdida lagu daray). Waxaa la hirgeliyay isagoo qayb ka ah mashruuca AUDI (Dib ugu laabashada aan qasabka ah ee Ciraaq, Afghanistaan iyo Soomaaliya) ee Hoggaanka socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland iyo Xarunta Xallinta Xasaradaha, kaas oo maalgelin ka helay Sanduuqa Dhaqaalaha Midowga Yurub ee Megangalyo-doonka, Muhaajiriinta iyo laqabsashada (AMIF).

 

ISKUXIRAYAASHA

-DOORKA QURBAJOOGTA EE HORUMARKA SOOMAALIYA IYO GEESKA AFRIKA

 

 

SOO KOOBIDDA DAABACAADDA

 

 

 

 

QORAAGA: ROSA RANTANEN

KAALIYE CILMIBAARE: LIBAN ABDI

 

 

 

SOOSAARE:  SHABAKADDA FINNISHKA IYO SOOMAALIDA EE FINLAND

CINWAANKA: LINTULAHDENKATU 10, 00500 HELSINKI, SUOMI

IIMAYLKA: TOIMISTO@SOMALIAVERKOSTO.FI

www.somaliaverkosto.fi/en/finnish-somalia-network/ (ENGLISH)

www.somaliaverkosto.fi/so/ururka-shabakada-finnishka-iyo-soomaalida-ee-finland/ (AF-SOOMAALI)

 

SAWIRADA:  SHABAKADDA FINNISHKA IYO SOOMAALIDA EE FINLAND, TATU HILTUNEN

 

 

2019

GUNGAARKAN WAXAA LAGU SAMEEYAY TAAGEERADA SANDUUQA DHAQAALAHA MIDOWGA YURUB EE MEGANGALYO-DOONKA, MUHAAJIRIINTA IYO LAQABSASHADA.

 

 

1 TAARIIKHDA IYO UJEEDDADA DAABACAADDA

 

Daabacaaddan waa soo koobista gungaarka ay sameysay Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ee Finland, kuna saabsan Dhexdhexaadiyaaal- Doorka qurbajoogtu ay ku leeyihiin horumarka Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Daabacaadda waxaa lagu lafagurayaa doorka wadashaqeynta ee shabakadaha qurbajoogta iyo qolooyinka la shaqeeya qurbajoogta, si dib loogu eego dib-u-dhiska iyo horumarka. Dhacdadan waxaa calaamad u ah shabakadda finnishka iyo Soomaalida ee Finland. Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ee Finland waa dallad ay ku mideysan yihiin ururada Finnishka ah ee ka shaqeeya Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Ujeedada laga leeyahay daabacaaddan ayaa ah soo bandhigidda su’aalaha wax ku oolka ah iyo tusaalooyinka waxqabad si uu ugu gogolxaaro shabakadaha qurbajoogta ee xiisayna horumarka dalka ay ka soo jeedaan iyo dadka ka mid midka ah qurbajoogta iyo weliba ururada la shaqeeya, jimciyadaha, saraakiisha dowladda iyo dhinacyada kale ee xiisaynaya. Daabacaadda asalka ah waa 36 bog waxaana laga heli karaa bogagga internetka ee Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ee Finland iyadoo ku qoran luqadda Finnishka. Gunaanadka waxaa lagu turjumay luqadaha kala ah Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Soomaali, Carabi, Dari iyo Kurdi. 

 

Daabacaaddu waa qayb kamid ah Mashruuca Habsami-socodka wada-hadalka oo ay Shabakaddu isuduwaysay Deyrtii 2019. Mashruuca waxaa ka wada shaqeynayay dalladda ururada horumarinta Finland Fino iyo Mu’asasada Warbaahinta iyo Horumarinta(Vikes). Habsami-socodka wada-hadalku wuxuu ka koobanyahay marka daabacaaddan laga reebo afar madal oo wadahadal ah, kuwaas oo quseeyay qurbajoogat Soomaalida, Afghanistaan, Ciraaq iyo Siiriyaanka (oo Kurdida lagu daray). Ujeedada mashruuca waxay aheyd in la dhegeysto aragtida qurbajoogta ee ku aaddan fursadahooda ay uga qaybqaadan karaan dib-u-dhiska iyo horumarinta nabadda. Habsami-u-socodka wadahadalka waxaa maalgeliyay Sanduuqa dhaqaalaha Midowga Yurub ee Megangalyo-doonka, muhaajiriinta iyo laqabsashada. Waxaa loo hirgeliyay sidii isagoo qayb ka ah mashruuca AUDI (Dib ugu laabashada aan qasabka ah ee Ciraaq, Afghanistaan iyo Soomaaliya) ee Hoggaanka socdaalka, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland iyo Xarunta xallinta xasaradaha

 

Daabacaddan darteed ayaa loo wareystay dadka sida firfircoonida leh qaybta uga ahaa ama uga ah hawlaha Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ee Finland. Daabacaddan waxay si gaar ah xoogga u saaraysaa waayo-aragnimada qurbajoogta Soomaalida iyo shabakadda Finland-Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa daabacaddan looga faa’iidaystay wada-hadallada quseeya qurbajoogta Ciraaq, Siiriya, Kurdiyiinta iyo Afghanistaan iyo kulamada aqoon-isweydaarsi ee ku saabsanaa arrimaha soo baxay xilliga Deyrta ee sannadkii 2019.

 

Ka baaraandegista fursadaha waxqabadka ee qurbajoogta ee loogu gogol xaarayo arrimaha horumarka la xiriira ma ahan mid la xiriira oo kaliya sida ay qurbajoogta Soomaalida iyo Geeska Afrika ay isu abaabuli karaan islamarkaasna wax isula qaban karaan. Haddii la sharraxo, Shabakadda Finlnad- Soomaaliya ma ahan shabakad qurbajoog ee waa  dallad ay xubno ka yihiin ururada ka shaqeeya horumarka ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Daabacaadda waxaa si gaaban loogu lafagurayaa, waxa uu doorka qurbajoogta Soomaalidu nidaamkan ka yahay iyo sida ay shakhsiyaadka gaarka ahi u arkaan saameynta ay u aqoonsashada qurbajoognimu ku leedahay ka qayb ahaanshada bulshadooda.

 

Daabacaadda waxay isu dhowaynaysaa fursadaha saameyn ku yeelashada qurbajoogta, iyadoo u soo maraysa Shabakadda Finland-Soomaaliya, mana isku dayeyso in ay soo bandhigto sawir buuxa oo ku saabsan aragtiyada qurbajoogta Soomaalida ama waxa ay Finland ka qabtaan.  Ujeedada ugu horreysa waa in la muujiya sida loogu guuleystay in hal shabakad dhexdeed laga helo habab waxqabad iyo waxyaabo qiimo leh oo isku xira hawlwadeenno kala duduwan oo lagu horumarinayo hawlaha horumarinta ee laga qabanayo Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

 

 

2 HABKA HIRGELINTA

Daabacaaddan darteed waxaa la hirgeliyay saddex wareysi oo si shakhsi ah loo qaaday iyo hal wareysi kooxeed ah oo lala yeeshay dadka ka qaybta ahaa waxqabadka Shabakadda Finland-Soomaaliya. Wareysi-kooxeedka waxaa ka qaybqaatay shan xubnood oo ka tirsan maamulka, kuwaas oo metela ururada kala duwan ee shabakadda xubnaha ka ah.Wadahadallada qaarkood waxaa lagula galay luqadda finnishka, qaarka kalana luqadda Soomaaliga. Labo kamid ah dadka la wareystay waxay ku dhasheen Finland, inta kalana waxay ku dhasheen Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah gobolka Bariga Afrika. Wareysiyada waxaa isugeyn ka qeybqaatay afar dumar ah iyo saddex rag ah. Marka laga reebo hal qof, dadka la wareystay waxay ka tirsan yihiin qurbajoogta Soomaalida.

Wareysiyadu waxay lahaayeen bud-dhig su’aaleedyo isku mid ah, laakiin arrintu ma aheyn wareysi cilmi-baaris ah ee waxay ahayd wadahadal furan oo mowduucyada la xiriiray. Ujeeddadu waxay aheyd in mowduuca lagu xaddido fursadaha ka qaybqaadashada qurbajoogta gaar ee waxqabadka Shabakadda Finland-Soomaaliya, laakiin waxaa la doonayay in sidoo kale ay fursad siiso mowduucyada kale ee soo baxa. Wareysiyada waxaa lagu hirgeliyay kulamo ka dhacay magaalada Helsinki Nofeembar 2019.

 

Daabacaaddan ma ahan cilmi-baaris rasmi ah, laakiin waxaa macluumaad ahaan loo isticmaalay waxyaabaha laga qoray laantan iyo warbixinnada khubarada. Inti lagu jiray habsami-socodka wadahadalka waxaa marar badan oo soo baxay eray-bixinnno muhiim ah oo qeexiddoodu ay muhiim tahay marka laga baaraandegayo fursadaha saameyn yeelashada qurbajoogta. Eray-bixinnadu waxay si toos ah ama aan toos aheyn uga soo dhex baxeen wadahadallada iyo wareysiyada. Xulashada eray-bixinnada muhiimka ahi waxay ku saleysan yihiin arrimaha dadka la wareystay iyo khubaradu sheegeen intii lagu guda jiray wareysiyada iyo wadahadallada la galay mudadii mashruucu socday.

 

3 QURBAJOOGTA WAAYO-ARAGNIMO AH: QURBAJOOGGA IYO AQOONSIGA

Marka laga wada hadlayo ka qaybqaadashada iyo saameynta qurbajoogta waxaa meesha ku jirta in la qeexo waxa macno ahaan qurbajoog loola jeedo. Qeexidda iyo taxliilidda eray-bixinnada ee daabacaddan ku jira waxay si gaar ah ugu saleysan tahay waxyaabaha laga ogaaday arrimaha ay wakiilada qurbajoogta iyo dhinacyada qurbajoogta la shaqeeya ay soo bandhigeen. Inkastoo uu qurbajoog’ yahay eray inta badan la isticmaalo, dad iyo hawl-wadeednno kala duduwan ayaa laga yaabaa in ay ula jeedaan arrimo yara kala gedisan.  Waa muhiim in arrintan lagu xisaabtamaa marka la qabanayo shaqo la xiriirta qurbajoogta iyo gaarista go’aanka.

 

Qurbajoog waxaa sida guud loola jeedaa koox dad ah oo si khasab ah ugu guuray meel ka baxsan dalkooda, kaddibna degay meel waddankooda bannaanka ah. Qurbajoogta waxaa la xiriira hilow ay waddankooda u qabaan (tusaale ahaan Soomaalia), kumana xirna in uu ku dhashay halkaas ama meel bannaanka ka ah (tusaale Finland). Qurbajoogta waxaa lala xiriiriyaa qaadasho firfircoon oo ay qaadanayaan dhaqanka dalka ay ka soo jeedaan, la socoshada akhbaaraadka iyo dhacdooyinka iyo saameyn ku yeelashada bulshada. Soomaaliya iyo Geeska Afrika waxaa daabacaddan loogu xusayaa inta badan erayga ah waddanka laga soo jeedo Finland waxaa loogu xusayaa erayga ah waddanka la deggan yahay. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo dadka la wareystay ka tirsan waxay Soomaaliya ku sifeeyeen erayga ah waddankayga; eray-bixinta ma ahan mid macno cad leh.  

Mid kamid ah su’aalaha wareysiga ayaa aheyd ”Maxay adiga kaaga dhigan tahay ka mid ahaanshaha qurbajoogta?” Waxaa la isku dayay in su’aashan lagu ogaado sida uu qofka la wareysanayo u fahamsan yahay erayga qurbajoog iyo sida uu ugu arkayo in ay tahay qayb kamid ah noloshiisa iyo aqoonsigiisa shakhsiga ah. Marka laga hadlayo qurbajoogta Aqoonsigu ayaa ah eray muhiim ah.

Qof la wareystay ayaa carrabka ku adkeeyay in marka laga soo tago dalka laga soo jeedo ay arrinta ku xigtaa ay tahay laqabsashada waddanka cusub ee la yimid iyo in marxaladdan ay tahay mid aad muhiim u ah. Markaas kaddib ayaa waxaa imaanaysa rabitaanka ah in aad wax wanaagsan waddankaada u qabato. Wareysiga waxaa sidoo kale xoog uga muuqday doorka waxqabadka firfircoon ee qeexidda qurbajoogta. Isla qofkaas ayaa sheegay in la kala saaro erayada qurbajoog, qaxooti iyo soo-galooti. Wuxuu fikrad ahaan qabaa in haddii la barbardhigo kuwi hore ay eray-bixinnadan Finland ku sameysmeen. ”Billowgi 1990-naadkii waxaan ahayn laajiyiin. Baasaboorada xittaa sidaas ayaa ku qorneyd. Hadda waxaan joognaa marxalad uu eraygaas isu beddelay Finnishka cusub: Qurbajoog Finnnish-Soomaali ah.

Inkasta oo dadka Finland ku dhashay qeexid ahaan lagu xisaabiyo qurbajoogta, qurbajoogta dhexdeeda markasta lagama helo isfaham ku saabsan waxyaabaha uu eraygan xambaarsan yahay macno ahaan. Qof la wareystay ayaa sheegaya ”waa igu adag tahay in dhallinyaro halkan ku kortay aan qurbajoog u arko, haddii aysan tegin waddankoodii”.

Qof la wareystay oo Finland ku dhashay ayaa sharraxaya in ay ku adkeyd in uu noloshiisa dhexdeeda isaga aqoonsado labo dhaqan dhexdooda. Qurbajoogta Soomaalida waxay isaga uga dhigneyn helitaanka ”dabaqadda dhaqankiisa” iyo dareenka ka mid ahaanshaha kooxda. Wuxuu dareensan yahay in qurbajoognimada ay habab cayiman ku tahay guri halka ay ka ahaan laheyd Soomaaliya iyo Finland. Wuxuu tusaale ahaan u sheegayaa, in si guud marka loo eego ay uga fududahay in uu isu ekaysiiyo dhallinyarada qurbajoogta Soomaalida ee wadamada kale ee Yurub ku dhashay ama ku koray Soomaaliya.

 

Sida uu qofka la wareystay sheegay, weli waxaa halkan Finland qasab ku ah in uu inta badan ka jawaabo su’aalaha ah ”halkee ayaad dhab ahaanti ka soo jeedaa?” ama ”halkee ayeey waalidkaa ka soo jeedaan?”. Wuxuu sharraxayaa in uu su’aalahan maqlo marar aad u badan, islamarkaasna uu ku wareeray, isagoona la qabsaday ugana jawaabo, waxaana nahay Soomaalida Finland. Wuxuu intaas ku darayaa, in ay tahay ”wax lala yaabo, sida dhaqanka ama waddanku uu si weyn ugu jiro nololmaalmeedka, inkastoo uusan/aysan waligiis/eed tegin ama ku nooleyn”.   Erayga ah ”faca labaad ee muhaajiriinta” iskuma metelo, wuxuuna u arkaa in uu keenayo kala saaridda dadka ka dhex dhacda, inkastoo aqoonsiga dhaqameed ee waalidku uu nolosha ku jiro.

 

Iyadoo aan da’dooda iyo jinsigooda ku xirneyn ayeey dad badan oo la wareystay sheegeen in ay isla meel dhigaan qurbajoogta Soomaalida, halki ay isaga meel dhigi lahaayeen Soomaalida Soomaaliya ku dhalatay ama ku kortay.  Qaar badan waxay sidoo kale isla meel dhigaan kooxaha kale ee qurbajoogta ah, halkii ay qurbajoogta Soomaalida isula meel dhigi lahaayeen. Mid kamid ah wareysiyada la qaaday ayaa arrintaas waxaa loo dhigay sida: ”Qurbajoog waxaa inta badan laga wadaa dad aan inta badan meel degin, taas oo ka dhigan in ay hilowga ay waddankooda u qabaan uu weyn yahay”. Markaas qalbiga qofku ma ahan mid si joogto ah goobtan u jooga ee qalbigu wuxuu si joogto ah ugu hiloobaa waddankii wuxuuna u dhexeeya labo meelood”.

 

Cunsuriyadda, takoorka iyo bannaanka ka ahaanshaha ayaa, nasiib darro waxay qayb ka qaataan, isku xirka xubnaha qurbajoogta. Dhinaca kale, waxaa qurbajoogta dhexdeeda si xooggan uga soo baxda kala aragti duwanaan iyo takoor. Takoorka iyo cunsuriyaddu waxay mararka qaar u dhacaan sidii weerar afka ama jirka ah. Waxaa intaas dheer in la baaray oo takoorka lagu arkay  tusaale ahaan nolosha shaqada iyo waxbarashada. Takoorku wuxuu sidoo kale nololmaameedka uga soo dhex muuqdaa xanaaq yaryar oo si aan toos aheyn loogula xadgudbo qof ka mid ah dadka qurbajoogta ah, ha ahaato mid ogaal loo sameynayo ama ogaal la’aan. Tusaalaha caadiga ah ee arrintan waa, marka da’yar Soomaaliya ka soo jeeda oo Finland ku dhashay meesha ay ”dhab ahaan” ka soo jeedaan, islamarkaasna loo qaato in uusan Finnish aheyn. Waayo-aragnimada bannaan ka ahaanshaha bulshadu waxay mararka qaar kordhin kartaa rabitaanka raadsashada dadka kale ee qurbajoogta ka tirsan. Tani waxay dad badan shakhsi ahaan u tahay ilo awoodeed, laakiin waxay dhibaato ku tahay laqabsashada iyo nolol-wanaagga marka uu qofka qurbajoogta ka tirsan u arko in uu bulshada Finnishka ah ka baxsan yahay.

 

 

 

4 QURBAJOOGTA OO HAWLWADEEN AH

4.1 Aas-aaska iyo waxqabadka Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ee Finland

 

Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ee Finland waxaa la aas-aasay sannadki 2004 waxaana urur ahaan loo diiwaangeliyay sannadki 2009. Xafiiska ay shabakaddu leedahay waxaa la furay sannadki 2014, waxaana shabakadda ka shaqeeya 5 – 6 shaqaale. Aas-aasidda kaddib ayeey shabakaddu waxay maalgelin ka heshay hay’ado kala duwan, tayada mashaariicdu waa ay soo fiicnaantay oo waxay noqotay mid xirfadeysan sannadihii ay shaqeynaysay. Waayadan waxay shabakaddu urur dalladeed u tahay 32 urur, waxayna isku-duwdaa saddex mashaariic horumarineed ah oo ka jira Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Waxaa intaas dheer, in Shabakaddu ay ururada xubnaha ka ah siiso tababaro la xiriira hagaajinta tayada maamulka iyo waxqabadka ururka. Dhallinyarada waxaa lagu guulaystay in laga qaybgeliyo, iyadoo gaar ahaan loo soo marayo waxqabadka Impact Academy, halkaas oo lagu bixiyo tababar  iyo hagitaan la xiriira saameyn ku yeelashada bulshada iyo nolosha shaqada. Waxbarashadu waxay u furantahay dhallinyarada oo dhan, kumana xirna waxa uu asalkiisu yahay.

 

Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida waxay ku guuleysatay in ay ballaariso waxqabadkeeda, tan aas-aasiddeedii kadib tirada ururada xubnaha ka ahna waa ay kordheen. Aqoonta loo leeyahay Shabakadda Finnishka iyo Soomaalidu wuu wanaagsanaaday 15-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna wadashaqeyn la sameeyaa ururo badan oo Finland ka shaqeeya. Inta badan ururada xubnaha ka ah waa ururada qurbajoogta Soomaalida iyo kuwa gobolka Geeska Afrika, laakiin waxaa kale oo ururada xubnaha ka ah Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida ku jira ururo kale. Wadahadallo badan ayaa waxaa lagu soo qaaday in wadashaqeyn lala sameeyo ururada kale ee Finnishka ah (Ma ahan kuwa qurbajoogto Soomaalidu leedahaya) si loo  horumarinayso fursadaha saameyn ku yeelashada ee qurbajoogta, gaar ahaan qaybaha la xiriira wadashaqeynta horumarinta, waayo waxay keenaysaa aragtiyo dhinacyo badan iyo aqoonta ururada finnishka ee goobta shaqada iyo dhaqanka shaqada. Joogista dadka asal ahaan Finnishka ah, kuwa ka tirsan qurbajoogta Soomaalida, iyo ururadu waxay mararka qaar noqotaa mid yareysa carqaladda u dhexeeysa dadka qurbajoogta ah. Marka waxqabadka xoogga la saaro, tusaale ahaan mashruuc wadajir ah, waxaa sahlan in si wadajir ah wax loo qabto iyadoo aysan saameyn ku yeelaneyn farqiyada ka jira kooxda dhexdeeda (siyaasadda, qabiilka, diinta). Inkastoo ay waxqabadka qayb ka yihiin dad asal ahaan Finnish ah, inta badan ololeeyayaasha iyo xubnaha shabakadda waa wakiilada qurbajoogta Soomaalida. Su’aasha wax walba ka horreysa waa in sidii tusaale wax wadaqabad oo shaqeynaya looga dhex heli lahaa  taariikhda iyo hababka waxqabadka ee kala duduwan.

Marka la doonayo in fursadaha saameyn ku yeelashada qurbajoogta ( ama koox kastaba) loo hagaajiyo sidii hawlwadeenno abaabulan, waa in fiiro gaar ah loo lahaadaa sinnaanta waxqabadka iyo xirfadda. Qof la wareystay oo qayb ka ahaa aasaasidda shabakadda Finnishka iyo Soomaalida  ayaa aas-aaskii shabakaddi ku sifeeyay sidan, wakiilada qurbajoogtu waxay ku daaleen in iyadoo ay Finland iyo Soomaaliya dhexdeeda ay ka socdeen mashaariic kala duduwan ayeysan haddana natiijadoodu u muuqan in ay tahay tii ugu fiicneyd ee la heli karay. Wuxuu sheegay in lagu daalay in koox kasta ay ku dhegganeyd mashruuceeda. Mar dambe ayaa la fahmay in wadashaqeynta iyo abaabulnaanta sidan si ka fiican loogu caawin karo horumarinta deegaanka Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee fahamka arrintan degdeg kuma imman habsami-u-socodkuna wuxuu qaatay sannado badan. Wakhti la qaato, dhab ahaan oo loo fariistay islamarkaasna loo wadahadlo ayaa loo arkay in ay tahay door muhiim ah, inkastoo uu horumarku u socday si gaabis ah. Isu soo dhowaanshaha wadashaqeyntu kuma saleysneyn in la xalliyay dhammaan waxyaabihi lagu kala aragti duwanaa ee waxay ku saleysneyd in hawlwadeennada kala duwan ay garteen in abaabulnaanta wadajirka ay u adeegeyso hiigsiyadooda iyo hiigsiyada wadajirka ah ee qurbajoogta, taas oo marka si guud loo dhihi karo waa horumarka Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Wareysiyada waxaa dadka lagu weydiiyay, waxa uu hiigsiga wadajirka ah ee qurbajoogtu uu noqon karo. Helitaan hal hiigsi oo wadajir ah oo qurbajoogto loo helo waa asal ahaan hiigsi aan maangal aheyn, kaas oo inta badan dadki la wareysanayay ay caddeynayeen. Qurbajoogtu ma ahan koox isku nuuc ah, waxaana ka dhex jiri kara kala duwanaanshiyo aragti oo xooggan. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan ayaa aaminsan in inkastoo aan wax kasta la isaga aragti aheyn ay haddana wadashaqeyntu tahay mid suurtagal ah. Si guud ayaa waxaa loo dhihi karaa, in inkastoo qurbajoogtu aysan laheyn hiigsi ka dhexeeya, wakiilladooda ayaa lahaan kara hadafyo yaryar oo wadjir ah, kuwaas oo gaaritaankooda la isaga dhinac shaqeyn karo.

 

Mid kamid ah xubnaha maamulka ayaa sheegay in uu ka soo horjeeda aragtida qabiilka ku saleysan iyo in illaa iyo billowgi u dareemayay in taasi aysan shabakadda dhexdeeda dhibaato ku aheyn. ”Wadajir ayaa arrimaha loo sameynayay iyo in diiradda la saarayay baahida”. Wuxuu caddeeyay in uusan isagu Soomaaliya aadin si uu sameeyo wadashaqeynta horumarinta, balse  Finlad dhexdeeda si dhow ugu arkayay, ”sida goobta ururku uu ku shaqeeyo iyo sida xooggan ee loo maamulo”.  Qofka la wareystay ayaa wuxuu caddeeyay in ay saameysay in dadka asal ahaan Soomaalida iyo Finnishku ay si wadajir ah oo la taaban karo ay uga shaqeeyaan iyagoo aan dhinacna la jirin sidii xaaladda Soomaalia ay u soo hagaagto. ”Wax walba siyaasad ma ahan, inkastoo aan marki hore sidaas u heystay”. Ururka dalladda ah waxaa loo arkayay markii wadahadallada lagu jiray in uu isku-xirka muhiim u yahay ururada xubnaha ka ah, waxaana loo arkayaa mid xoojinaysa maamulka mashaariicda,.  Dad badan ayaa magacaabay in dalladu uu qurbajoogta Soomaalida u tahay mid muhiim ah, wuxuuna u shaqeyay sidii buundo isku xirta hay’ado kala duwan.

 

Maxay tahay sababta uu waxqabadka shabakadda Finnishka iyo Soomaalidu u guuleysatay, tusaalayaasha waxqabad ee shabakadase ma la koobiyeen karaa si qolooyin kale ay u isticmaalaan.  Wareysiyada waxaa ka soo baxday in muhiimadda shabakadda Finnishka iyo Soomaalidu aysan ahayn mid ah mabda’ee waxay ururada xubnaha ka ah ka taageertaa waxqabadkooda maalinlaha ah. Dalladdu waxay tusaale ahaan; xiriirka ururada xubnaha ka ah dhexmaraya qabanqaabinteeda kulamada aqoon-isweydaarsi, codsashada maalgelinta, isu-duwidda mashaariicda iyo warbaahinta.  Guulaha shabakadda Finnishka iyo Soomaalida, ama shabakad kasta oo qurbajoog la shaqeysa loo arkayay in ay ku saleysan tahay in shabakaddu ay tahay mid siyaasad ahaan, fikir ahaan aan dhinacna raacsaneyn. Markaas qofna meesha ugama saareyso wax la xiriira asalkooda, aragtidooda ama waxa ay diin ahaan aaminsan yihiin.

 

4.2 Khabiirnimada

 

Dadka qurbajoogta ka tirsan ayaa waxay ku fekeri karaan in ay yihiin khubaro waayo-aragnimadu wax bartay: qofka Soomaaliya ka soo jeeda oo kaliya ayaa garanaya waxa dareenka Soomaalinimada yahay. Si kastaba ha ahaatee, marka laga hadlayo waxqabadka ururka iyo ka wada-shaqeynta horumarka ayaaa waxaa muhiim ah in la xusuusto, in khabiirnimada waayo-aragnimada laga helay iyo xiriirka shakhsiga ah ee dalka la leeyahay aysan ka dhigneyn khabiirnimo. Sidaas darteed ayaa waxaa muhiim ah in la mideeyo waayo-aragnimada qurbajoogtada iyo aqoonta xirfadeed, taas oo laga heli karo qurbajoogta dhexdeeda iyo bannaankeedaba.

 

Waxaa wanaagsan in waayo-aragnimada gaarka ah ee qurbajoogta lagu xisaabtamo ugu horreyn marka laga gungaarayo baahiyaha qurbajoogta. Wadahadallo iyo wareysiyo badan ayaa waxaa ka soo baxday, sida warbaahinta, cilmi-baarisyada iyo doodaha siyaasadeed ee Finnishka loogu hadlayo dadka laga tirada badan yahay ee asal ahaan dibadda ka soo jeeda, halka ay taas beddelkeeda si firfircooni leh uga qaybqaadan lahaayeen soosaaridda macluumaadka iyo qeybintiisa. Go’aan ka gaaridda arrimaha qurbajoogta quseeya xittaa waxay inta badan dhacdaa iyadoo aysan qurbajoogtu qayb ka aheyn. Waxaa wanaagsanaan laheyd in sidan si ka badan bulshada Finnishka ah dhexdeeda loogu dhug-lahaado arrinta ku saabsan, qofka hadlaya iyo cidda uu u hadlayo. Soomaali iyo dad qurbajoog kale ka tirsan ayaa waxay isku aragti ka qabaan, in wakiilada qurbajoogtu ay sidan si ka firfircoon uga qaybqaataan qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda kala duwan iyagoo ah hawlwadeenno la siman kuwa kale halkii beddelkeeda la weydiin lahaa faallo ama ”la siin lahaa” kaalin ay ku hadlaan. Tan waxay noqon kartaa in marka lagu jiro marxaladda hore ee qorsheynta kooxaha iyo mashaariicda kala duwan ay qayb ka yihiin koox dadka ah kuwi hore ka noocyo badan iyo in diiradda lagu saaro in shaqooyinka qurbajoogta quseeya shaqaale iyo khubaro ahaan loogu qoro dad qurbajoogta metelaya.

 

Fursadaha qurbajoogta ee saameyn ku yeelashada iyo ka qaybqaadashada dalka ay ka soo jeedaan ayaa waxay si weyn saameyn ugu leedahay xaaladda nabadgeliyo ee waddanka ay ka soo jeedaan, taas oo meelo badan oo Soomaaliya aad ugu liidata. Inkastoo ay Soomaaliya waddan ahaan u horumarayso dhinaca wanaagga, dad dhif ah ayaa doonaya in ay iskood halkaas dib ugu laabtaan. Sida ku cad cilmi-baaris Finland lagu sameeya, Soomaali badan oo megangelyo-doon ah ayaa marki ay go’aan diidmo ah ka heleen codsigoodi megangelyada, waxay go’aansadeen in ay sharci la’aan isaga joogaan Finland halkii ay Soomaaliya ku laaban lahaayeen. Aragtida mutadawacnimada ee ku jirta barnaamijka dib-u-laabashada aan qasabka aheyn su’aal ayaa laga keeni karaa, sababtoo ah marka lagu jiro xaaladaha qaar oo uu qofku diido in uu iskiis dib ugu laabto qasab ayaa lagu celiyaa ama dalka ayuu sharci la’aan isaga joogaa. Haddii aysan laabashadu ku jirin macnaha dhabta ah ee erayga mutadawacnimo, nidaamka ayaa dadka laabanaya naftooda halis gelin kara, wuxuuna sidoo kale ku xadgudbayaa xuquuqdooda bani’aadminimo. Finland waxay deyrti 2019 Maxkamadda xuquuqul  insaanka ee Yurub ka heshay xukunkii ugu horreeyay ee ka dhashay jebinta heshiiska xuquuqul insaanka, sababtoo ah nin Finland laga celiyay oo Ciraaq loo celiyay ayaa la dilay waxyar kadib laabashadiisi.  Inkastoo ay jiraan kala duwanaanshiyo shakhsiyadeed iyo kuwa deegaan, halisyada ammaan ayaa si weyn u xadidaya fursadaha dib ugu guurista dalka iyo ka shaqeynta ay qurbajoogtu ka shaqeynayaan dalki ay ka soo jeedaan.

 

Marka laga wadahadlayo dib ugu guurista dalki laga yimid waa in la ogaadaa, in haddii uu qofku si joogto ah ugu laabto ama loogu celiyo dalki uu ka soo jeeday, waxaa isaga lagu sifeyn karaa qof dalkiisa dib ugu laabto halki lagu sifeyn lahaa in uu yahay qof qurbajoogta ka tirsan. Wadashaqeynta horumarinta iyo waxqabadyada ururada ee Finland gudaheeda ka dhaca ayaa waxaa suurtagal ah in lagu taageero horumarka dalka laga soo jeedo marka xaaladda nabadgelyo aysan saamaxeyn in si rasmi ah halkaas loogu laabto. Marka ay xaaladdu saamaxdo, haddii dalka laga soo jeedo si ku meelgaar ah loogu laabto iyadoo laga shaqeynayo shaqo caawin ah ayaa ah inta badan mid wanaagsan oo waayo-aragnimo muhiim ah leh. ”Marka aad goobta tagto ayaad qaybtaada ku soo bandhigi kartaa sida shaqo qabasho ama shaqo iskaa ah oo aad ururo kala duwan u qabato”, sidaas waxaa caddeeyay mid ka mid ah dadka la wareystay. ” Rabitaanka waxqabadku arrimahan ayeey ka billaabanayaan.”

 

Qofka la wareystay wuxuu sawiraaa, sida habab aad u tiro badan buundooyin loogu dhiso: waxaa lagu dhisi karaa xirfad iyo aqoon, ganacsi ama xiriir diblumaasiyeed. ”Laakiin rabitaanka ugu weyn waa in uu noqdaa waxa wanaagsan ee aad waddankaada u qaban karto. Aniga waxaa rabitaanka igu abuura dib u dhiska Soomaaliya iyo in aan halkaas uga shaqeeyo shaqadeyda, taas oo aan qabashadeeda u soo maray Uruka Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida. Taas kahor Soomaaliya aad uma tegi jirin.”

 

4.3 Luqadda iyo diinta

 

Qurbajoogta Soomaalida ee joogta caalamka waxaa guud ahaan mideysa labo arrin: luqadda (Af-Soomaali) iyo Diinta (Islaam). Inkastoo ay farqiyo jiraan, qaar badan oo la wareystay ayaa waxay qireen awoodda ay labadan arrin ee mideysa ay leeyihiin. Waxaa loo arkay in ay yihiin hababka gacanta ka geysata wadashaqeynta iyo hadafyada wadajirka ah ee la leeyahay.

 

Haddii qurbajoogta ay leedahay luqado rasmi ah oo badan oo ay isticmaalaan, siyaasadda xulashada luqadda ayaa soo baxeysa. Markaas qurbajoogta oo dhan ama inta ugu badan luqad isku mid ah lagulama xiriiri karo, markaasna warku wuxuu u qaybsamayaa si aan sinnaan ku saleysneyn. Si ka duwan qurbajoogta Soomaalida ayeey kooxaha waaweyn ee qurbajoogta ah ugu qaysameen kooxo luqadeeedyo. Tusaale ahaan qurbajoogta Siiriya ama Ciraaq waxay badankood ku hadlaan af Carabi, laakiin bulshada qaar ka tirsan ayaa isu aqoonsan Kurdinimo waxayna afkooda hooyo u arkaan luqadda Kurdiga (lahjadda Soraani ama  Kurmanji). Intaas waxaa dheer luqado kale oo deegaanka laga isticmaalo. Sidaas darteed, muhiimad weyn oo siyaasadeed ayeey leedahay in war isgaarsiinta loo isticmaalo afka Carabiga, Kurdiga ama luqadaha kale. Si guud waxaa lo dhihi kiri, luqadda wadajirka ah ayaa gacan ka geysan karta helitaanka hadaf mideysan iyo heerka ah in la helo midnimada qurbajoogta deggan waddan cayiman ama qurbajoogta dunida oo kala deggan. Wareysigada waxaa lagu ogaaday in luqadda Soomaaligu ay tahay ilo awoodeedka isku xira qurbajoogta Soomaalida. Marar qaar waxaa dadka qurbajoogta ka tirsan ka dhex-dhalan kara ”caqabad luqadeed”, haddii qaarkood ay luqadda dalka ay ka soo jeedaan u tahay tan koowaad qaar kale ay tahay luqadda waddanka cusub (oo kaliya). Haddii tirada faca wakiilada qurbajooogtu ay ku badan yihiin kuwa ku dhashay Finland, waxay xaqiiqo ahaan u dhowday in ay afka Soomaaliga ka sokow ay sida afkooda hooyo ugu hadlaan luqado kale. Dhanka kale, xiriirka luqadda Soomaaligu waxay ku heysanayaan barbaarinta, qoyska iyo la xiriirista Soomaaliya. Waxqabadka shabakadaha qurbajoogta gaar ahaan marka la qorsheynayo ka qaybqaadashada dhallinyarada ayaa waxaa wanaagsan in xisaabta lagu darsado muhiimadda luqadda.

 

Qaar kamid ah dadka muddada dheer Finland deganaa, gaar ahaan Soomaalida sii gaboobaysa uma arkaan in luqadda finnishka u bartaan si ku filan helitaanka dhalashada Finland ama ay si madaxbanaani leh uga shaqeyn karaa bulshada dhexdeeda. Qaar ka tirsan dadka qaangaarka ah ee tobaneeyadii sano ee la soo dhaafay Finland yimid iyo weliba qaar ka tirsan megangelyo-doonka waayadan yimaaday ayaa ah kuwa aan waxna qorin waxna akhrin. Barashada aqoontaas lagu baranayo Finland gudaheedu waa mid adag, sababtoo ah ka sokow barashada wax qorista iyo akhrinta, waa in sidoo kale la barataa luqad cusub, dhaqan cusub iyo arrimaha aasaasiga ah ee dugsi-dhigaalka. Waxaa wanaagsan in marka lagu jiro hawlaha waxqabadka shabakadaha qurbajoogta lagu xisaabtamo dadka aan waxna qorin wax akhrin, sababtoo ah waxay ku jiraan xaalad nugul marka la barbardhigo dad luqadda yaqaan iyo kuwa tacliinta sare leh. Qof la wareystay ayaa sawiraya, in daryeelku uu xubnaha bulshada Soomaalida isu dhoweeyo. ”Waa in aan maalgelinaa waxbarashada”, ayuu qofkan la wareystay caddeeyay. ”Sidii geed waa ayeey u baahantahay waraabin joogto ah.” Wuxuu intaas ku daray: ”Dadka waa in lagu taageeraa in ay wax bartaan ee ma ahan in la baro. Sidee ayaan hooyooyinka guri-joogtooyinka ah ee Finland deggan ugu taageeri karnaa waxbarashada si ay iyaguna u firfircoonaadaan carruurtoodana ay ugu taageeraan ka qaybqaadashada tusaale ahaan waxqabadka shabakadda?”

 

Isla qofkan la wareystay ayaa sheegaysa in ay muhiim tahay in bulshada qurbajoogta ah ay fahamto, tusaale ahaan dhowr sano oo waxbarasho ah, qalinjebinta kadib uu sare u qaadayo aqoonta iyo xirfadda qofka iyo dakhliga dhaqaalahaba. Wuxuu qabaa in la joojiyo u fekeridda qaab waafaqsan hiigsiga wakhtiga gaaban. Markaas ”hooyooyinka guri-joogtooyinka ahi kuma xirnaan laheyn xeyndaabka tababarka shaqada, kaas oo aan aqoontooda kordhinayn ama fikirkooda dhabta ah”. Taageeridda waalidka waxay si toos ah saameyn ugu yeelan karaa dhallinyarada, kuwaas oo inta badan u baahan taageero gaar ah marka ay labo dhaqan dhexdooda ku korayaan.

4.4 Aaminaadda iyo dhexdhexaadnimada

 

Mid kamid ah arrimaha wareysiyada iyo doodaha marar badan ka soo baxda ayaa aheyd aaminaadda. kalsoonida si rasmi ah looguma qeexin madalladi kala duwanaa, laakiin waxay la xiriiri kartaa aaminaadda qurbajoogta dhexdeeda ah, aaminaadda qurbajoogta iyo bulshada Finnishka ah u dhexeysa, iyo weliba aaminaadda u dhexeysa qurbajoogta iyo dadka deggan dalka ay ka soo jeedaan.

 

Aaminaaddu waa muhiim marka uu qurbajoogu aado Soomaaliya iyo Geeska Afrika si uu halkaas uga qabto shaqo caawimaad ah. Dhinaca kale qurbajoogu wuxuu la kulmaa aaminaad la’aan iyo aragtida laga sii qabo. Mararka qaar waxaa loo arkaa, in qofka qurbajoogta ka tirsan uu heysto xiriirka dadka iyo fursado ka wanaagsan kuwa dadka deegaanka oo uu ku helayo tusaale ahaan shaqo.  Dadka qurbajoogta ka tirsan waxay sidoo kale keenaan tusaalooyin habdhaqan, qaabab loo labisto iyo waxyaabo ay qiimeeyaan, kuwaas oo dalka ay ka soo jeedaan aan laga qariibsado. Waxaa kale oo intaas dheer in qurbajoogta laga fisho waxyaabo aan suurtagal aheyd tusaale ahaan dhinaca dhaqaalaha. Haddii laga badbadiyo ayaa qofka qurbajoogta ka tirsan ee Finland jooga loo arki arkaa in uu khabiir ku yahay Soomaaliya, Soomaaliyana waxaa loo arki karaa mid dadka bannaanka ka ah. Xaalado badan ayuu qofka qurbajoogta ah ku dhisayaa aaminaad isagoo isticmaalaya xiriirkaiisa shakhsiyeed iyo aqoontiisa dhaqanka iyo diinta.

 

Saraakiisha dowladda iyo ururadu waa in ay ku xisaabtamaan caadooyina waxqabad ee dhaqamada kala duduwan, marka la qorsheynayo wadashaqeynta lala yeelanayo qurbajoogta. Bulshada qurbajoogta ah ee doonaysa in is abaabusho kana qaybqaadato saameynta ku yeelashada bulshadu waa in ay ku xisaabtantaa, in waxqabadka ururada iyo jimciyadu ay leeyihiin tusaalooyin waxqabad oo joogtoobay, kuwaas oo u hoggaansamiddoodu ay saameyn ku leedahay fursadaha ka qaybqaadashada. Tusaale ahaan, saraakiisha dowladda iyo siyaasiyiintu waxay si fudud u helayaan jimciyadaha diiwaangashan iyo ururada leh qaab waxqabad iyo mid dhismo oo cad. Haddii aysan kooxda qurbajoogta ahi abaabulneyn wakiilka iyo macluumaad lagala xiriirana aysan laheyn, codkooda wuxuu noqonayaa mid aan laga maqlin wadahadallada iyo go’aan gaarista bulshada. Bulshada Finnishku waxay doorkoodu wax ku oolka ah ku leeyihiin ku dadaalista in shabakadaha qurbajoogta ah si fiican loo helo ama loola xiriiro, si ay u awoodaan ka qaybqaadashada shaqada horumarinta ah ee dalka ay ka soo jeedaan.

Waa muhiim in la xusuusto, in qurbajoogto aysan laheyn hal cod iyo in ay dhammaantood helaan fursad loo siman yahay oo ay aragtidooda ku soo gudbiyaan. Wadahallada waxaa in badan ka soo baxday, in ay adagtahay in la sheego qof ah wakiilka saxda ah ee qurbajoogta ama in qof noocaas ahba la raadiyo.  Inkastoo aan loo qaadan kain in qurbajoogto ay leeyihiin hal cod oo mideysan, aragtiyaa qurbajoogta waxaa loogu baahan karaa wadahadallada bulshada iyo go’aannada  bulshada. Markaas wakiillada qurbajoogtu inta badan waa shabakadaha qurbajoogta

Shabakadda Finnishka iyo Soomaalidu ma ahan shabakad qurbajoog oo rasmi ah ee waa urur dallad u ah ururada Finnishka ee ka shaqeeyaa Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wakiilada ururada xubnaha ka ah iyo dadka ka tirsan xubno ka tirsan qurbajoogta. Inta wareysiyada lagu jiray ayaa waxaa marar badan soo noqnoqday erayga ah urur dalladeed waxaana loola jeedaa tusaale ahaan erayga ah shabakadda qurbajoogta. Ururka dalladda ah waxaa loo arkayay mid faa’iido leh, sababtoo ah waxay hoosteeda isugu keenaysaa hawlwadeenno kala duwan waxayna u taageeraysaa si sinnaan ah. Waxaan dhihi karnaa, in beddelka raadinta ”hadafka wadajirka ah” ee qurbajoogta waxaana suurtagal ah in si heshiis ah la isaga dhinac shaqeeyo marka aan dhammaan ismaandhaafyada u dhexeeya qurbajoogta aan meesha laga saarin.  Ururka shabakadda ah waxaa la dhihi waxay meteshaa khabiirnimo codad badan – waxay hawlwadeennada isugu keentaa mabaadii’da wadajirka ah iyo tusaalayal waxqabad iyadoo aan ka doonayn in wax walba ay isku aragti ka ahaadaan.

 

 

Haddii qurbajoogta dhexdeeda laga qorsheynayo in ay is-abaabulaan iyo shabakado cusub, waxaa wanaagsan in laga fekero aas-aasidda urur dallad ah waxa ugu horreeya ee loo isticmaalayana laga dhigo fikradaha waxqabadka. Markaas metelidda qurbajoogta ayaa noqonaya mid noocyo badan marka sharuudda is abaabulidda loo arko in ay tahay mid lagu helayo hiigsi mid ah iyo hab la isugu soo dhowaada. Aasaasidda Shabakadda Finnishka iyo Soomaalida waxaa illaa iyo billowgiisa goobjoog ka ahaa wakiillada qurbajoogta Soomaalida iyo khabiirada ka baxsan ee Finnishka ah.  Soomaalida dhankeeda wadashaqeynta waa fududaatay sameynta wadashaqeynta horumarintu waxay leedahay caado wakhti dheer socotay. Marka xaaladda dalka ay qurbajoogtu ka soo jeeddo uu ka duwan tahay tan Soomaaliya, mashaariic lamid ah halkaas kama suurtagelayaan ama ma ahan mid caqligal ah in la hirgeliyo. Wadahadallada waxaa lagu caddeeyyay in tusaale ahaan Ciraaq ay leedahay hanti fara badan, balse si aan caddaalad aheyn loo qeybsado. Shacabku wuxuu ku daalay caddaalad daro, musuqmaasuq  iyo ku xadgubidda xuquuqul insaanka, taas oo ay adagtahay in lagu beddelo wadashaqeynta soo jireenka aheyd ama taageerada lacageed.

 

Wareysiyo iyo wadahallado badan ayaa waxaa ka soo baxay in Soomaaliya iyo waddamada kale la geeyo aqoon halki laga geyn lahaa taageero dhaqaale. Waxaa kale oo ay tahay laga tanasulo fikradda ah, in horumarku uu markasta yahay geynta alaab ama aqoon: horumarka waxaa sidoo kale taageeri kara wadaagista aqoonta iyo waayo-aragnimada iyo tusaale ahaan horumarinta fursadaha dadka deggan dalka laga soo gaaray, fursadahaas oo ay si caam ah ugu soo bandhigi karaan aragtiyadooda islamarkaasna ay ku sameyn karaan ganacsigooda caalamiga ah. Sidoo kale qurbajoogtu waxay arrimaha dalka ay ka soo jeedaan ku caawin karaan soo gudbinta iyo siyaasad ahaan saameyn ku yeelashada waddanka ay deggan yihiin.

 

4.5 Hadafyada soo socda iyo doorka dhallinyarada

 

Sidii hore si ka badan ayaa dhallinyarada looga baahanyahay waxqabadka shabakadda Finnishka iyo Soomaalida, inkastoo faca dhallinyarada ah ay waxqabad heleen. Qof la wareystay oo qab ka ahaa aasaasidda ayaa sharraxaya: ”Wakhtigan hadda la joogo ma jiraan tiro badan oo dhallinyaro ah oo si dhab ah u doonaya in ay waxbqadka qayb ka noqdaan. Dhallinyarada waa in xoogga la saaro. Waxaan baaritaan ku sameeyay sida sida ay mutadawacnimadu ay kordhiso rabitaanka iyo aqoonta. Aqoontaas marka aad leedahay, shaqo-bixiyuhu xittaa wuu ku qaddarinayaa.”

 

Carruurta dadka dalka u soo guuray waxaa inta badan loo qabanqaabiyaa dhaqdhaqaaqyo iyo waxbarasho loogu talagalay dadka dalka u soo guuray. Qofka la wareystay ayaa sheegaya, sida ay isaga wakhti dheer ugu qaadatay in uu ku baraarugo, aragtida noocan ah ay keeno farqi soo kala dhexgala isaga iyo kuwa Finland ku dhashay iyo in uusan qeexid ahaan aheyn qof dalka u soo guuray. Dhibaatooyinka jira ka sokow, aqoonsiga Soomaaliga waxaa inta badan loo arkaa si kastaba ha ahaatee mid wanaagsan. Xiriirka lala leeyahay dhaqanka Soomaaliya iyo rabitaanka barashada dhaqanka laga soo jeedo ayaa hoos u dhigay caqabadda hortaagan ka qaybqaadashada waxqabadka shabakadda qurbajoogta marka la barbardhigo hiwayaadaha iyo waxqabadka kale.

 

Xubin ka tirsan maamulka ayaa caddeeyay, in hadda Shabakadda Finnishka iyo Soomaalidu uu jiro 15 sannadood, waa qaangaar sida uu qabo sharciga Soomaaliya. Dadka la wareystay waxay shabakadda u rajeeyeen waxqabad sii socda iyo korriinshu. Qaar badan ayaa rajeynayay in mustaqbalka uu waxqabadku uu camimo juquraafi ahaan deegaanka oo dhan ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Wadashaqeynta inti hore ka dhow oo dhexmarta hawlwadeennada deegaanka ee dalka ay ka soo jeedaan ayaa loo arkay wax wanaagsan.  Waxaa marar la soo bandhigay in Finland iyo Finnishku ay Soomaaliya ku leeyihiin sumcad fiican oo ah in ay yihiin dad lala shaqeeyooo la aamini karo, taasina waxay sahlaysaa waxqabadka.

 

Guud ahaan waxaa la qaba aragti ah, in waxqabadku uu si weyn isu beddeli doono mustaqbalka inkastoo aan weli la hubin sida uu isu beddelayo. Su’aasha meesha taal waa, sidee ayaa dhallinyarada looga qaybgelin karaa waxqabadka. Waxaa kale oo laga fekeray, in mashaariica wadashaqeynta horumarinta lagu dhinac qabanqaabin karo waxqabadyo intan ka badan oo Finland ka dhaca, sida taageeridda dhallinyarada takoorantay. Qof kamid ah dadka la wareystay ayaa caddeeyay in waxqabad urureedyadu aysan waayahan aheyn kuwa si weyn u soo jiita dhallinyarada, sidaas darteedna ay tahay in habab waxqabad oo cusub la hindiso. Si kastaba ha ahaatee dhallinyaro badan oo Finland ku dhashay asal ahaanna Soomaaliya ka soo jeeda ayaa leh aqoonsi Soomaalinimo oo xooggan., sidaas darteed ayaa waxaa la aaminsanaa in dhallinyarada qaarkood ay xiisanayaan la shaqeynta shabadaha qurbajoogta. Arrinta xiisaha leh ayaa ah, sida uu isbeddelka aqoonsiga ee jiilalku uu uga muuqan doono noocyada waxqabadka.

 

UGU DAMBEYN

 

Intii lagu jiray mashruuca Habsami-socodka wadahadalka ayaa waxaa la uruuriyay soojeedinno lagu taageeri karo ka qaybqaadashada bulsheed ee qurbajoogta joogta waddanka ay hadda deggan yihiin xiriirka ay la leeyihiin waddankii ay ka soo jeedeen. Soojeedinnada waxaa si kooban loogu qoray halkan waxaana ka faa’iidaysan kara wakiillada qurbajoogta iyo shabakadaha qurbajoogta iyo ururada, saraakiisha dowladda, dadka go’aannada gaaraya iyo khubarada kale ee qurbajoogta la shaqeeya.

 

  1. Ka qaybqaadashada wakiillada qurbajoogtu ay wakhti hore ka qaybqaadanayaan mashaariicda iyaga iyo dalki ay ka soo jeedeen quseeya, shaqada dowladda iyo cilmi-baarista waa in la dammaanad qaadaa. Tani waxay quseysaa marxaladda qorshaha la sameynayo iyo marxaladda la hirgelinayo. Ka qaybqaadashada qurbajoogta ma ahan in loo arko qiimo dheeraad ah ee waa in loo arkaa arrin uu waxqabadkuu baahanyahay. Si kastaba ha ahaatee khabiirnimada waayo-aragnimada ku saleysan iyo aqoonta xirfadeed waa in la kala saaraa. Metelaadda sinnaanta ah ee wakiillada qurbajoogta waa in iyana la dammaanad qaadaa.

 

  1. Hababka war isgaarsiinta iyo luqadda waa in fiiro gaar ah loo yeeshaa. Isticmaalka warbaahinta bulshadu waa muhiim waxaana lagu gaarayaa dad badan. War isgaarsiinta luqadaha kala gedisan waa in ay noqotaa mid la dalbanayo ee a ahan mid qiimo dheeraad ah leh. Macluumaadku waa in uu noqdaa mida sida ugu sahlan loogu heli karo luqadaha ay qurbajoogtu isticmaasho (ma ahan oo kaliya linki lagu qaybiyay luqadaha looga hadlo dalka ay deggan yihiin). Isticmaalidda luqadaha kala duwan si xooggan ayeey macluumaadka u fidisaa waxayna gacan ka geysataa gaarista dadka nugul aqoontooda luqadeed oo xadidan darteed.

 

Waxaa wanaagsan in la taageero is abaabulidda bulshooyinka qurbajoogta. Shabakad dalladeed ayaa gaar ahaan dhismo wanaagsan marka ay kooxo yaryar ama ururo ay doonayaan in ay wadajir u shaqeeyaan. Xittaa marka aan la xallin kala aragtiyo duwanaanshiyaha dhammaantood, kooxaha kala duwan waa iska dhinac shaqeyn karaan. Ka qayb ahaanshaha ay qaybta ka yihiin dadka ka baxsan qurbajoogtu waxay inta badan horumarisaa barashada dhinacyada badan, aaminaadda iyo fahamka dhaqanka waxqabadka.