
Taageerada iyo caawimaadda dib ugu noqoshada dalka hooyo
Dib u noqoshada dalka hooyo ee ikhtiyaariga ah
Caawimaadda waad heli kartaa, haddii aadan joogi karin Finland, oo aad dooneyso in aad dalkaagii hooyo dib ugu laabato. Dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waa mid u suurtaggal ah dadka magangelyoddoonka qaxootinnimo iyo kuwa sharci la’aanta ah. Dib u noqoshadu waxaa ay sidoo kale ka dhici kartaa dal kale, kaasoo aad ku leedahay sharciga degganaanshaha.
Sharciga degganaanshaha ma aadan helin miyaa?
Ma ka fekertay inaad dib ugu noqoto dalkaagii hooyo?

Joogitaanka Finland waxaa shardi u ah in qofku leeyahay sharciga degganaanshaha dalka. Haddii aadan helin sharciga degganaanshaha, Waaxda socdaalka iyo hay’adda IOM ayaa waxaa ay kaa caawinayaan, dib ugu noqoshada dalkaagii hooyo.
Go’aammada magangalyoddoonka qaxootinnimo waa kuwo ku salaysan sharciga, waxaana loo gaaraa qaab shakhsi ahaaneed. Go’aammada racfaan ayaa laga qaadan karaa, laakiin haddii aan racfaannada la oggolaan, waxaad dooran kartaa dib u noqoshada ikhtiyaariga ah.
Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan go’aammada magangelyoddoonka iyo waxyaabaha lagu saleeyo, waxaad ka heli kartaa bogga Waaxda socdaalka ee Migri: Lisätietoa turvapaikkapäätöksistä ja niiden perusteista saa Migrin sivuilta »
Maxay tahay sababta aad u dooraynayso dib u noqoshada ikhtiyaariga ah?
Dib u noqoshada ikhtiyaariga waa mid adiga kugu xiran, waxaadna heleysaa caawimaad lacag ahaaneed iyo taageero kale oo ku saabsan dib u noqoshada iyo marka aad tagto dalkaagii hooyo. Dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waa ay ka fursado badan tahay arrinka dib u celinta.
Marka aad u noqoto si ikhtiyaari ah, waxaa kuu bilaabanaaya in aad bixitaan isku diyaariso, dib u noqoshaduna waxaa ay u dhici doontaa qaabka caadiga ah ee musaafirka, adigoo raacaya diyaaradaha safarka ee caadiga ah. Waad qorshaysan kartaa dib u noqoshada, iyo waliba waqtiga ka dambeeya dib u noqoshada, waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa ehelkaaga jooga dalkaagii hooyo. Waxaad heli kartaa caawimaadda dib u noqoshada si aad dalkaaga mar kale dib ula qabsato. Go’aanka ku saabsan dib u noqoshada waxaad iska baajin kartaa am kansali kartaa markii aad doonto, xitaa inta aad joogto garoonka diyaaradaha, ee kahor inta aanay diyaaraddu hawada gelin.
Marka laga hadlaayo dib u celinta, waxaa hawshaan qabta booliska. taariikhda dib u celintana khasab ma aha in hore loo sii sheego, mana jiro waqti la isugu diyaarinaayo arrinkaas. Dib u celintu waxaa ay ku dhacaysaa qaabka ay boolisku doortaan. Suurtaggalna adiga kuuma ahan inaad qorshaysato arrinka dib u celinta, mana heleysid caawimaadda dib u noqoshada.
Caawimaad loogu talaggalay dadka sharci la’aanta ah
Hadii aadan wax sharci ah lahayn, waad heli kartaa caawimaadda dib u noqoshada. Xaalad kastana waxaa loo qiimaynayaa si shakhsi ahaaneed. Si geesinimo leh noola soo xiriir, Waxaan ku siinaynaa talooyin. La soo xiriirstaas ma ahan mid ay ka dhalanayso in la bilaabo hawlaha la xiriira dib u noqoshada ama dib u ceinta.

Haddii aadan xaq u lahayn caawimaadda
Haddii aad ka shakisan tahay, in aadan xaq u leedahay caawimaadda iyo inkale, si kastaba waad na weydiin kartaa arrinkaas. Annagoo wadajirna ayaan isla eegeynaa shuruudaha ku xiran caawimaadda, waxaanan isla caddaynaynaa suurtaggalnimada ah in caawimaadda aad heli karto iyo inkale.
Caawimaadda lacag ahaaneed ee dib u noqoshada

Cawimaadda lacag ahaaneed waxaa shardi u ah oo qofka laga doonayaa dhowr arrimood. Dib u noqoshadu waa in ay tahay mid abadiyan ama joogto ah, islamarkaana aad tahay qof si dhab ah ugu baahan caawimaada. Caawimaadda dib u noqoshada waxaa la heli karaa hal mar oo kaliya.
Dib u noqosho joogto ama abadiyan ah waxaa loola jeedaa in aad ku noqonayso dal, kaasoo aad dib u noqoshadaada kaddib si joogto ah ugu noolaanayso. Caawimaadda waxaad heli kartaa, haddii aadan adigu haysan kharash aad iskaga bixin karto safarka iyo waxyaabaha ka dhalanaaya.
Sidoo kale waa inaad kansashaa ama baajisaa dhammaanba codsiyada iyo racfaannada ku saabsan arrimaha sharciga degganaanshaha ee kuu maqan. Caawimaadda mar labaad laguma siinaayo, haddii aad hore u qaadatay, adigoo Yurub dib uga noqonaayay.
La soo xiriir
Sheeg xaaladdaada annaga ayaa ku caawinayna. Mana jiraan wax waajibaad ah oo ka dhalanaaya la soo xiriirista.

Waxaad soo diri kartaa farriin dhanka Whatsapp-ka ah ama waad na soo wici kartaa: