Dib u laabashada ikhtiyaariga ah ee la taageeray ee lagu tagayo Soomaaliya
Dib u laabashada ikhtiyaariga ah ee looga baxayo Finland oo lagu tagayo Soomaaliya, waxay ku dhacdaa go’aanka Hoggaanka socdaalka (Migri) iyo qabanqaabinta ururka caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha dadka muhaajiriinta ah ee loo yaqaan IOM.
- Waxaad heli kartaa taageerada dib u laabashada Soomaaliya, haddii aad tahay muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya, islamarkaana 1) haddii aad codsatay magangalyo, islamarkaana lagu siiyay go’aan diidmo ah oo codsigaaga ku saabsan, ama aad iska kansashay codsigaaga; ama
2) la baabi’iyay sharcigii badbaadada caalamiga ahaa ee lagu siiyay.
- Hagista ama talasiinta ku saabsan dib u laabashada waxaad ka heli kartaa xeryaha qaxootiga ama la taliyayaasha dib u laabashada ee Hoggaanka socdaalka (Migri). Arrinkaan kaddib Hoggaanka socdaalku wuxuu go’aan ka gaarayaa in laguu oggolaado taageerada dib u laabashada ikhtiyaariga ah.
- Marka lagu siiyo go’aanka oggolaanshaha taageerada dib u laabashada kaddib, waxaad ururka caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha dadka muhaajiriinta IOM ka heleysaa, talasiinta ama hagista la xiriirta dib u laabashada, IOM ayaa wax ka qabanaysa waxyaabaha adiga lagaaga baahan yahay marka aad dalkaaga ku laabanayso, waxay sidoo kale kuu qabanqaabinaysaa safarka dib u laabshada, sidoo kale waxaa ay ku siinaysaa taageerada dib la qabsashada labaad ee dalkaaga, muddo dhowr bilood ah kaddib markii aad dalkaaga ku laabato.
Waa imisa taageerada dib u laabashada ikhtiyaariga ah ee Soomaaliya lagu bixinayo?
- Taageerada waa 5300 yuuro, haddii aad go’aanka dib u laabashada ku samayso 30 maalmood gudahood, oo ka soo bilaabanaysa marka lagu siiyo go’aanka diidmada magangalyada ee ugu horreeyay kaddib.
- Intaa wixii ka dambeeya, taageeradu waxay noqonaysaa 2000 yuuro. Macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan qaddarka taageerada iyo qaabka loo bixinaayo waxaad ka eegi kartaa halkaan.
Muddo intee le’eg ayay qaadanaysaa qabanqaabada dib u laabashada?
- Muddada qabanqaabinta dib u laabashada waxay ku xiran tahay xaaladdaada sida ay tahay, iyo arrinka ah sida ugu dhakhsaha badan ee lagu heli karo qofka lala xiriiraayo ee jooga Soomaaliya ee aad codsigaaga ku sheegtay, iyo sida ugu dhakhsaha badan ee ay hawlwadeennadu u habayn karaan oggolaanshaha. Badanaa waxay qaadataa muddo dhowr toddobaad ah.
Waa maxay xirfadaha waxtarka leh markaad ku noqoto Soomaaliya?
- Tani waxay ku xiran tahay goobta aad ku laabanayso: Tusaale ahaan markaad ku laabanayso Muqdisho waxaa waxtar leh xirfadaha darawalnimada, waayo-aragnimada ganacsiga, xirfadaha cilmiga kombiyuutarka, xirfadaha dad qurxinta, waayo-aragnimada lahaanshaha makhaayadda iyo kafeteeriyada, iyo sidoo kale waxbarashada heer jaamacadeed oo loo arko in ay yihiin xirfado iyo aqoon faa’iido leh. Magaalooyin gaar ah sida Marka, aagga shabeellada hoose, Kismaayo, Boosaaso iyo Muqdisho, xirfadda kalluumaysiga ayaa sidoo kale noqon karta waxtar shaqo ka helitaan ee dhanka shirkadaha kalluumeysiga ee dagaannadaas ah.
Maxaan ku qabsan karaa taageerada la qabsashada dib u laabashada, maxaase ii wanaagsan ama ii faa’iido badan inaan Soomaaliya ka sameeyo?
- Taageerada la qabsashada dib u laabashada waxaa loogu talaggalay dib u dhisidda nolosha cusub, iyo taageerada raadsiga nololmaalmeedka marka uu qofku dib ugu laabto dalkiisa hooyo. Waxqabadyada faa’iidada leh waa kuwo kala duwan, iyadoo arrinkaas uu ku xiran yahay hadba sida ay tahay xirfaddaada iyo aqoontaada. Inta badan darawallada ayaa waxay samaystaan shirkad taksi, sidoo kale dadka leh khibradda ganacsiga, waxaa ay doortaan aasaasidda ama samaynta shirkad ganacsi. Intaa waxaa dheer, in qaar ay doortaan beerfalasho, marka ay ku laabtaan degaanka uu dhulkiisu ku habboon yahay beerfalashada. Dadka soo laabanaaya ee iyaga oo dhallinyaro ah ka soo tagay Soomaaliya, waxaa dhici karta in ay doortaan in ay dib ugu laabtaan waxbarashadii ay dhexda ku joojiyeen (sida waxbarashada hoose-dhexe ama aasaasiga ah ama tan jaamacadda).
Waa maxay arrimaha ay tahay in aad tixgelinta siiso, marka aad ka fekereyso dib u laabashada?
- Waxaad u baahan tahay in aad si taxaddar leh u akhriso qoraallada laga sameeyay dib u laabashada. Arrinkaan waxaa kaa caawin kara hagista dib u laabashada Finland gudaheeda (Hoggaanka socdaalka ee MIGRI) iyo hagista ama talasiinta elegtorooniga ah, taasoo ay IOM:ta Soomaaliya hore u siiso dadka ka soo laabanaaya Finland iyadoo luqadda soomaaliga ah. Munaasabadahaas talasiinta ama hagista waxaad haysataa fursadda ah inaad weydiiso arrimaha ku saabsan dib u laabashada, dib la qabsashada dalka, ammaanka iyo tusaale ahaan arrimaha ku saabsan xaaladaha dhaqaalaha. Sidoo kale waa arrin miro dhal ah ama faa’iido leh in aad la xiriirto xubnaha qoyskaaga ee jooga Somaaliya, si ay kuu siiyaan macluumaadka iyo taageerada hawlaha socda ee dib u laabashada. Haddii loo baahdo, IOM:ta Somalia waxa ay gacan ka gaysan kartaa xiriir la samaynta xubnaha qoyska, haddii uu arrinkaas ku hirgeli waayo si kale.
Macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan dib u laabashada waxaad kala xiriiri kartaa barta hagista ama talasiinta dib u laabashada ee Hoggaanka socdaalka (Migri) 050 413 8625, ama waxaad arrinkaas weydiin kartaa shaqaalaha xerada qaxootiga.