Warbixinta gaarista ama helitaanka wixii la doonaayay

Ku soo dhowoow warbixinta ku saabsan helitaanka ama gaarista wixii la doonaayay ee Hoggaanka socdaalka


Warbixintaan gaarista ama helitaanka wixii la doonaayay waxaa ay khusaysaa adeegga http://voluntaryreturn.fi, waxaana la diyaariyay / la cusboonaysiiyay 29.03.2022. Adeeggu wuxuu ku saabsan yahay sharciga bixinta adeegyada dhijitaalka ah, kuwaasoo loo baahan yahay in adeegyada guud ee internetka ay noqdaan kuwo la heli karo.

Heltiaanka adeegyada waxaa qiimayn ku sameeyay khubarada hay’ad ka baxsan Hoggaanka socdaalka.

Xaalka helitaanka adeegga dhijitaalka

Qayb ahaan ayuu buuxinayaa waxyaabihii looga baahnaa helitaanka.

Waxyaabaha aan la heli karin

Bogga intenetka ma ahan mid wali dhan kasta ka ah sidii laga rabay

·         La fahmi karo: Turjumista qoraal ahaaneed ee fiidiyoowga

Waxyaabaha aan la heli karin iyo waxa ka maqan

Bogga internetka waxaa ku jira laba fiidiyoow, kuwaasoo turjumista qoraalkoodu uu yahay ingiriis, inkasta oo luqadda lagu hadlaayo ee fiidiyowga ay tahay mid taa ka duwan.

Waxyaabaha la doonaayay in la helo ee aan wali soo buuxin halkii laga rabay
  • 3.1.1 Luqadda bogga

·         La fahmi karo: Turjumista jumaladda ah- Skip to Content

Waxyaabaha aan la heli karin iyo waxa ka maqan

Dhammaan luqadaha ku jira bogga internetka waxaa ku qoran jumladda (Skip to Content). Jumladdaas laguma turjumin luqado kale.

Waxyaabaha la doonaayay in la helo ee aan wali soo buuxin halkii laga rabay
  • 2.4.1. Dhaaf qayb ahaan

Ma dareentay waxyaabaha ka dhiman ee aan la heli karin ee ku saabsan adeeggeenna dhijitaalka? Noo sheeg annaga, waxaanan isku dayaynaa inaan saxno ama wax ka qabanno arrimahaas ka maqan adeegga.

Waxaad ku soo diri kartaa iimeyl ahaan return@migri.fi

Mas’uulyiinta gaarhayayaasha ah

Haddii aad dareento in bogga ay ku jiraan meelo aan la heli karin, ugu horraynta annaga noo soo gudbi aragticelinta arrinkaas ku saabsan, annaga waxaan ula jeednaa qolada qaabilsan dayactirka bogga ineternetka. Jawaabtu waxaa ay qaadan kartaa 14 maalmood. Haddii aadan ku qanacsanayn jawaabta lagu siiyay, ama aadan wax jawaab ah helin muddadaas labada toddobaad ah, waxaad wargelinta arrinkaas ku saabsan u gudbin kartaa waaxda maamul gooboleedka Koonfurta- Finland Waxaa kuu furmaysa daaqad cusub. Bogga waaxda maamul goboleedka Koonfurta-Finland waxaa si faahfaahsan loogu sheegayaa, sida wargelinta loo samayn karo, iyo sida arrinka loo falanqaynaayo.

Halka lagala soo xiriiri karo mas’uuliyiinta gaarhayayaasha ah

Etelä-Suomen aluehallintovirasto
Saavutettavuuden valvonnan yksikkö
www.saavutettavuusvaatimukset.fi
Limeylka: saavutettavuus(at)avi.fi
Telefoonka senteraalka ah: 0295 016 000