Nala soo xiriir, annaga ayaa kaa caawinaynna samaynta codsiga

Wax walbaa waxaa ay ka bilaabanayaan la soo xiriirista

Hoggaanka socdaalka ayaa adiga kula talinaaya codsiga ka hor, wuxuuna kaa caawinaayaa samaynta codsiga. La soo xiriir, haddii aad ka fekereyso dib u laabashada ikhtiyaariga ah. Si wadajir ah ayaan xaaladdaada uga baaraandagaynnaa, waxaanan ku siinaynnaa hagista loogu talaggalay codsiga, sidoo kale waxaan kuu sheegeynnaa fursadaha kala duwan ee jira. Haddii aad doonaysana waxaan kula buuxinaynnaa codsiga.

Haddii aad tahay macmiil ka tirsan xerada qaxootiga, haddii aad doonayso inaad u laabato si khiyaarkaaga ah, waxaad la xiriirtaa xeradaada qaxootiga.

QAYBTA 1-AAD

La soo xiriir

Sheeg xaaladdaada, annaga ayaa ku caawinaynna. Ma jirto wax ay la soo xiriiristu kugu waajib yeeleyso.

Soo wac ama waxaad soo dirtaa farriin dhanka Whatsapp-ka ah:

050 413 8625

Fadlan waxaad fiiro gaar ah u yeelataa arrinka ah, in WhatsApp-ku aanu ahayn qalab ammaankiisu sugan yahay oo lagu falanqayn karo macluumaadka shakhsi ahaaneed. Sidaas awgeed ha ku soo dirin WhatsApp-ka, tusaale ahaan, taariikhda dhalashada iyo nambarka diiwaanka (henkilötunnus), nambarka macmiilka, dukumintiyo iyo maclumaadka xasaasiga ah ee aan la shaacin karin.

Sidoo kale waxaa soo diri kartaa iimeyl:

return@migri.fi

QAYBTA 2-AAD

Falanqaynta codsiga

Hoggaanka socdaalka ayaa falanqaynaaya codsigaaga. Go’aankaas waxaa si guud ahaan ah tixgelinta loo siin doonaa xaaladdaada nololeed. Sidoo kale waxyaabaha tixgelinta la siin doono waxaa ka mid ah xaaladdaada caafimaad iyo tan qoyskaaga.

Taageerada la qabsiga labaad ee dalka waxaa uu Hoggaanka socdaalku ku bixiyaa caawimaadda waxtarka kale ah ee aan lacagta aheyn (hyödyketuki). Caawimaadda waxtarka kale ee aan lacagta aheyn waxay noqon kartaa, caawimaadda ku saabsan helitaanka guri, waxbarasho ama shaqo, amaba tusaale ahaan aasaasid ganacsi.

Hoggaanka socdaalka ayaa waxaa ay booliska ka soo hubinayaan in dib u laabashada khiyaarka ah ay suurtaggal tahay iyo inkale. Ka hor inta aan la gaarin go’aanka caawimaadda ah, waa in aad iska baajisaa ama kansashaa codsiyada dhammaan ku saabsan sharciga degganaanshaha iyo racfaanka.

Markii go’aanku uu diyaar noqdo, Hoggaanka socdaalka ayaa go’aankaas u diraaya ururka IOM, waxaana uu ururku bilaabayaa abaabulkii dib u laabashada.

QAYBTA 3-AAD

Dib ugu laabashada dalka hooyo

Ururka IOM ayaa ku siinaaya talooyinka ku saabsan dib u laabashada oo ku qoran luqado kala duwan, waxaana ay kuu qabanayaan ballanka safarka aad ku aadi lahayd dalkaaga hooyo. Haddii aadan baasaboor lahayn, waxaa lagaa caawinaayaa sidii aad dukumintiga lagu safro uga heli lahayd safaaradda dalkaaga. Haddii ay jiraan dhibaatooyin caafimaad oo adiga ku heysta, waxaa tixgelin gaar ah la siin doonaa marka la sameynaayo abaabulka dib u laabashada iyo dib ula qabsiga dalka, sidii loo xaqiijin lahaa arrimaha ay ka midka yihiin daryeelka iyo heltaanka daawada.

Waxaa Finland gudaheeda laguugu diyaarin doonaa:

  • Dukumintigii safarka iyo tigidkiiba
  • Wixii dukumiti ah oo ay kaa hayeen hawlwadeennada Finland
  • Macluumaadka ku saabsan halka aad kala xiriiri karto, cidda ku siineysa caawimaadda dib u laabashada ee markaad tagto dalkaaga hooyo.

Marka aad dalkaaga dib ugu laabato, waxaad samaynaysaa qorshaha ku saabsan sidii aad u isticmaali lahayd caawimaaddaas, waxaana caawimaadda ku heleysaa qaab adeeg ah ama iyadoo alaab ahaan ah.

Ururka IOM ayaa ku caawinaaya inta aad joogto garoomada diyaaradaha ee kala duwan, waxaana ay kaa caawin doonaan wixii safarkaaga ku saabsan illaa iyo inta aad ka gaareyso magaalada aad deggan tahay ee dalkaaga hooyo.