Macluumaad ku saabsan bogga
Warbixin ku saabsan bogga internetka ee voluntaryreturn.fi
Waxaad soo gashay bogga internetka ee Hoggaanka socdaalka.
Bogga internetka ee Voluntaryreturn.fi, waa kanaal macluumaad soo gudbin ah oo uu leeyahay Hoggaanka socdaalka-, kaasoo hadafka laga leeyahay uu yahay in uu bixiyo sawir guud oo ku saabsan taageerada caawimaadda ee la siiyo qofka si iskiis ah dib ugu laabanaaya dalkiisa. Waxaa dhici karta in aadan bogga ka helin jawaab toos ah oo ku saabsan xaaladdaada adiga kuu gaarka ah. Sidaas awgeed haddii aad u baahato waxaad u kuurgashaa sharciyada arrinkaas laga dejiyay.
Falanqaynta macluumaadka shakhsiyadeed ee boggan
Hoggaanka socdaalka waxaa uu fulinayaa nidaamka ah ilaalinta macluumaadka iyo waxyaabaha u gaarka ah dadka soo booqda boggaan, sida uu dhigaayo nidaamka ilaalintaa macluumaadka ururuka Midowga yurub ee tirsigiisu yahay (2016/679) iyo sharciyada kale ee khuseeya falanqaynta macluumaadka shakhsi ahaaneed. Looma baahna in la is diiwaangeliyo marka la isiocmaalaayo bogga internetka. Ma uruurinaynno wax macluumaad ah oo lagu aqoonsan karo dadka gaarka ah ee soo booqda bogga.
Xuquuqda curiyaha
Sida uu dhigaayo xeerka xuquuqda curiyaha iyo isbeddellada ka gadaal lagu sameeyay, xuquuqda waxyaabaha lagu soo daabacay boggan waxaa iska leh Hoggaanka socdaalka ama macluumaad soo saaraha kale ee ku xusan dukumintiga halkaas ku qoran. Wixii ku saabsan maaddooyinka la isticmaalaayo, waxaa lagala xiriiri karaa waaxda qaabilsan isgaarsiinta.
Boos celinta sharciga ah
Waxaa mar walba lagu dadaalaa in bogga internetka ee Hoggaanka socdaalka uu noqodo mid wakhtiga la socda. Si kastaba hay’addu mas’uul kama ahan dhibaatooyinka tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn ee ka dhalan kara macluumaadka bogga. Sidoo kale hay’addu ma qaadayso mas’uuliyada waxyaabaha bannaanka laga keenay, ee linkiga loogu sameeyay bogga hay’adda. Hay’addu mas’uul kama ahan wixii kale ee dhibaato ah ee ka dhasha dhanka go’itaanka shabakadda internetka ama cilladaha farsamadda.
Warbaahinta bulshada iyo linkiyada
Linkiyada gudaha ee adeegga waxaa ay sida caadiga ka furmaan isla daaqadda boroowsarka ee aad gujinayso. Linkiyada ka baxsan boggana waxaa ay ku furmaan daaqad ah boroowsar cusub. Haddii linkiga aad gashay uu kaa saaraayo bogga internetka ee Hoggaanka socdaalka, Hoggaanka socdaalka mas’uul kama ahan nooca macluumaadka ee uu boggaasi uruurinaayo. Tusaale ahaan fiidiyoowyadu waxaa ay ku dhex jiraan kanaalka You tube-ka, kaasoo uruursanaaya macluumaadka dadka isticmaala. Maacluumaadka bogga internetku ka kooban yahay waxaad ku qaybin kartaa dhanka twitter-ka iyo facebook-ga.
Marka aad u wareegeyso bogagga linkigoodu ay halkaan ku yaallaan, waxaad waafaqaysaa shuruudaha isticmaalka ee bogaggaas u degsan. Waxaan kuu soo jeedinaynaa inaad si gaar ah ugu kuurgasho siyaasadaha macluumaad ilaalilinta iyo kuwa falanqaynta macluumaadka shakhsiyadeed ee bogaggaas kale. Hoggaanka socdaalka mas’uul kama ahan cusboonaysiinta, baahinta ama xaqiiqda macluumaadka ay qolo kale oo saddexaad ay soo gudbisay. Linkiga qolada saddexaad ee bogga internetka la soo dhigay macnaheedu ma ahan, in Hoggaanka socdaalku uu mas’uul ka yahay ka shaqaysiinta boggaas ama adeegyada iyo waxyaabaha kale ee lagu soo bandhigay bogaggaas.
Halka la nagala soo xiriiri karo
Wixii su’aal ah ee ku saabsan bogga internetka, waxaad iimeyl ahaan kula soo xiriiri kartaa qolada qaabilsan dayactirka bogga oo cinwaanka iimaylkoodu uu yahay return@migri.fi. Sidoo kale waxaan ku faraxsannahay inaan idiinka soo jawaabno su’aal kasta oo la xiriirta ilaalinta macluumaadka.