Caawimaadda iyo taageerada dib u laabashada dalka hooyo

Dib u laabashada ikhtiyaariga ah ee dalkii hooyo

Waxaad caawimaadda heli kartaa, haddii aadan sii joogayn Finland oo aad doonayso inaad dib ugu laabato dalkaagii hooyo. Dib u laabashada ikhtiyaariga waa fursad ay heli karaan oo u furan dadka magangalyoddoonka qaxootiga ah iyo kuwa aan sharciga lahayn. Dib u laabashadu waxay sidoo kale ka dhici kartaa dalka kale ee aad ku leedahay sharciga degganaanshaha.

Ma helin miyaa sharciga degganaanshaha dalka ama ciqaamadda? Ma ku fekertay inaad dib ugu laabato dalkaagii hooyo?

Joogitaanka Finland waxaa shardi u ah inaad haysato sharciga degganaanshaha dalka ama ciqaamadda. Haddii aadan helin sharciga degganaanshaha, Hoggaanka socdaalka IOM ayaa kaa caawinaaya sidii aad dib ugu laaban lahayd dalkaaga.

Go’aannada magangalyoddoonka waa kuwo ku salaysan sharciga dalka, waxaana loo gaara qaab shakhsi ahaaneed. Go’aanka waxaa laga qaadan karaa racfaan, laakiin haddii racfaanka la ansixin waayo, waxaad dooran kartaa dib u laabashada ikhtiyaariga ah.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan go’aannada magangalyoddoonista iyo arrimaha lagu saleeyo, waxaad ka heleysaa bogga Hoggaanka socdaalka Lisätietoa turvapaikkapäätöksistä ja niiden perusteista saa Migrin sivuilta »

Waa maxay sababta aad u dooranayso dib u laabashada ikhtiyaariga ah?

Dib u laabashada ikhtiyaariga ah waa mid u dhacaysa si waafaqsan shuruudahaaga, waxaad heli kartaa taageero dhaqaale iyo caawimaadyo kale oo la xiriira dib ugu laabashada dalkaagii hooyo.

Marka aad u laabato si  khiyaarkaaga ah, waxaad haysataa wakhti aad isugu diyaarin karto bixitaanka, laabashaduna waxaa ay ku dhacaysaa sidii adigoo ah musaafir caadi ah, oo raacaaya khadka diyaaradaha ee caadiga ah. Waad qorshayn kartaa arrinka dib  u laabashada iyo wakhtiga ka dambeeya dib u laabashada, sidoo kale waxaad la xiriiri kartaa ehelkaaga ku nool dalkaaga hooyo. Sidoo kale waxaad heli kartaa taageerada dib u laabashada ee loogu talaggalay dib ula qabsiga labaad ee dalkaaga. Go’aanka dib u laabashada waxaa la baajin karaa ama la kansali karaa wakhti kasta oo ka horreeya dib u laabashada.

Caawimaadda waxaa sidoo kale loogu talaggalay dadka sharcidarrada ku jooga dalka (paperiton)

Haddii aad tahay qof sharcidarro ku jooga dalkaan Finland, waxaad sidoo kale heli kartaa taageerada dib u laabashada. Xaalad kasta waxaa loo caddayn doonaa si shakhsi ahaaneed. Si dhiirranaan leh noola soo xiriir, annaga ayaa kula talinaynna. La soo xiriiristaas ma ahan mid wax kugu waajib yeeleysa.

Haddii aadan xaq u lahayn taageerada

Haddii aad ka shakisan tahay in aad heli karto taageerada iyo inkale, si kastaba waad na weydiin kartaa. Si wadajir ah ayaan isula eegeynnaa shuruudaha taageerada, waxaanan caddaynaynnaa arrinka ah in ay suuraggal tahay inaad hesho taageerada iyo inkale. Meelaha qaarkood xafiiska arrimaha bulshada ee degaanka ama booliska ayaa adiga kaa caawinaaya sidii aad ugu laaban lahayd dalkaaga hooyo.

Taageerada dhaqaale ee dib u laabashada

Kuvake - käsi ja euron symboli

Taageerada dhaqaale waxaa ku xiran shuruurdo dhowr ah. Waa in dib u laabashadu ay noqoto mid joogto ah, waana in ay jirto baahi dhab ah oo adiga kuu haysa taageeradaas. Taageerada dib u laabashada waxaa la heli karaa hal mar oo keliya.

Dib u laabashada joogtada ah waxaa loola jeeddaa waa inaad ku laabanayso dalka, iyo in aad si sharci ah ku joogi kartid dib u laabashadaada kaddib. Nidaam ahaan waxaa arrinkaan loola jeedaa, in aad heleyso fursadda ah in aad ka shaqaysan karto dalka aad ku laabanayso, aadna ka heli karto hooy iyo degaan, sidoo kalena aad ka heleyso adeegyada guud ee dadweynaha loogu talaggalay. 

Sidoo kale waa inaad iska baajisaa ama aad iska kansashaa dhammaanba codsiyada iyo racfaannnada la xiriira sharciga degganaanshaha. Taageerada ma heli kartid mar kale, haddii aad hore u heshay taageero markaad ka soo laabanaysay Yurub.

La soo xiriir

Sheeg xaaladdaada annaga ayaa ku caawinayna. Mana jiraan wax waajibaad ah oo ka dhalanaaya la soo xiriirista.

Waxaad soo diri kartaa farriin dhanka Whatsapp-ka ah ama waad na soo wici kartaa:

050 413 8625

Fadlan waxaad fiiro gaar ah u yeelataa arrinka ah, in WhatsApp-ku aanu ahayn qalab ammaankiisu sugan yahay oo lagu falanqayn karo macluumaadka shakhsi ahaaneed. Sidaas awgeed ha ku soo dirin WhatsApp-ka, tusaale ahaan, taariikhda dhalashada iyo nambarka diiwaanka (henkilötunnus), nambarka macmiilka, dukumintiyo iyo maclumaadka xasaasiga ah ee aan la shaacin karin.